Mahdi Guuleed: “Rooble iyo Beesha H/Gidir waan raali gelineynaa, Ra’iisal wasaarow raali ahaw”

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa jawaab ka bixiyey eedeyn kasoo yeertay Boqor Cusmaan Buurmadow, Cabdi Xaashi C/llaahi, Prof. Cabdi ismaaciil Samatar iyo siyaasiyiin kale.

Kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen caawa siyaasiyiinta iyo Odayaasha Garabka Ra’iisal wasare ku xigeenka ayaa si kulul looga jawaabay eedeyntii loo jeediyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahayd inuu boobayo kuraastii beelaha Gobollada Waqooyi.

“Wixii maanta ka dhacay Guriga Cabdi Xaashi dhaqan Islaam ma aheyn, dhaqan Soomaali ma aheyn, dhaqan oday iyo mid suldaan ma aheyn, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha H/Gidir waxaan codkeyga ku biiranayaa waxaa leeyahay xaal qaata, Ra’iisul Wasaarow raalli ahaw, diyaar baan u nahay inaan gogol iyo madal weyn inaan xaalkaas ku bixino” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo ka daba tegay hadalladii kasoo yeeray Boqor Buur-madow iyo siyaasiyiinta kale.

Mahdi Guuled ayaa difaacay Ra’iisal wasaare Rooble oo sheegay inuu mudan yahay maamuus iyo karaamo, wuxuuna caddeeyay geedi-socodka Doorashooyinka dalka uu hoggaaminayo, xafiiska Ra’iisal wasaaruhuna ku leeyahay fududeyn iyo hagid.

“Xafiiska Ra’iisal wasaaraha waa xafiis heer qaran iyo wejigii Qaranka, waa muraayadii fulinta ee dalka laga arkayey; mana aha xafiis Cabdalla shidheeye iyo foojari lagu sameeyo, raaligelin baan ka bixineynaa” Ra’iisal wasaare ku xigeenk Mahdi Guuleed.

Wuxuu ku adkeystay in Doorashadu socon doonto oo aysan aqbaleynin inuu dib u dhacdo, ciddii ka hor timaadana waxaa loo aqoonsanayaa qas-wadeyaal. “Doorashadu waa inay socotoaa, wax dib loo dhigayo ma jiraan.. Doorasho Haa. dibn u dhac maya..”.