Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ugu baaqay labada xafiis ee ugu saareyso dalka in ay dejiyaan xaaladda kacsan.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu dagaalka socdo dhexdhexaad uu ka yahay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka. ” Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Hadalka ka soo yeeray Mahdi Guuleed ayaa u muuqada mid uu garab ku siinayo Farmaajo isaga oo aan si toosa u carabaabin taageeradiisa. Xaqiiqda waxa ay ahayd inuu si toosa u taageero Ra’iisal Wasaarihii isaga soo magacaabay!