Mahdi Guuleed Khadar : ”Farmaajo iyo Biixi qadka Telfoonka ayeey ku Wada-hadlaan”

Reading Time: < 1 minute

R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya  Mahdi Guuleed Khadar Oo wareysi siiyey Muuqaal baahiyaha Dalka TV ayaa waxa uu ka hadlay Halka uu marayo Isku soo dhawaanshiyaha Soomaaliland iyo Dawlada Dhexe.

Waxa uu Abuukaato Mahdi shaaca ka dhigay in dhowr mar ay wada xiriireen Madaxweyne Farmaajo iyo Hogaamiyaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi islamarkaana ay isku waafaqeen ka shaqeynta Danta Dadka iyo Deegaanka.

Xukuumada Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay inay dedaal badan ugaleyso sidii mar kale Cududii Soomaaliya usoo celin laheyd garabka ka maqan Ee Soomaaliland ay dooneyso sidii ay Midnimadeedii usoo ceshan laheyd.

Sidoo kale R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dalbaday Shacabka Soomaaliyeed inay ka taageeraan sidii Dawlada ay ugarab joogi lahaayeen si hormarka socda hore loogu sii wado.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa hadda waxa madaxda hogaamisa ay yadadiilo fiican u arkaan in dalka uu ku jiro soo kabasho una baahan yihiin in lasii dar dar geliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xafiiska Jooga 2 sano iyo Isbuuc waxaana uu sheegay in Labada sano ee harsan waddanka meel ka wanaagsan inta hadda la heysto ay gaarsiin doonaan.