Mahad Salad oo ku guuleystay inuu kursigiisa ku wareejiyo qof uu keensaday

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug waxaa maanta lagu qabtay Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 ee uu banneeyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad.

Mahad Salad oo ku guuleystay inuu kursigiisa ku wareejiyo qof uu isagu keensaday, ka dib markii gudiga doorashada ay soo koobayn dadka ku tartami kara kursiga iyo cida loo qorsheeyay inay ku guuleysato.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop147 ayaa ahaa mid loo xiray musharax gaar ah oo ay wateen madaxtyooyada Soomaaliya iyo taliyaha NISA, waxaana dooarsahada isaga haray musharaxiin markii hore kursigan uu damac ka galay.

Ilyaas Sheikh Axmed Ibraahim  oo kursigan loo xiray ayaa loo doortay in uu noqdo xildhibaan, waxaana musharaxan kursiga qaab malxiis ahaan kula tartantay Aamino Tahliil Warsame oo doorashada ka tanaasushay.

HOP147 waxaa ku guuleystay Ilyaas Sheekh Axmed kaddib markii uu helay 86 cod oo ah ergadii u codeyneysay kursigaan.

Guddiga KMG ah ee Doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo horay u muddeeyay qabsoomidda Doorashadaan ayaa codeynta kaddib ku dhawaaqay natiijada uu HOP147 ku helay Ilyaas Sheekh Axmed.