Mahad salaad oo Kooxda Qiyaano Qaran Iyo Mareeykanka Ku Tilmaamay Cadaw dalkaan loosoo diray

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii lagu xasuuqay dad shacab ah oo ku sugnaa Deegaano hoos tagga gobolka shabeellada hoose,waxaa uu dowlada ku dhaliilay qaabka ay uga hadashay weerarkaasi.

Qoraal uu bartiisa facebook-ga soo dhigay xildhibaanka ayaa u qornaa  sida tan!!

GARASHO XUMIDA DOWLADA SOOMAALIYA IYO GUMAADKA CIIDAMADA MAREYKANKA!

Ciidamo isugu jira Mareykan iyo Ciidamo ay tababareen oo Soomaali ah ayaa mar kale ku xasuuqay deegaanka Macalinka ee Gobolka Shabeelada Hoose dad xoogsato ah oo ka xamaasha beeraha Gobolkaas. Qasaaraha dadkaas shacabka ah soo gaaray ayaa isugu jira 5 dhimasho ah, 6 dhaawac ah iyo 4 qofood oo iyaga oo nool la qafaashay!

Dhanka kale Xukuumada Soomaaliya ayaa si ay u mooro duugto dhibaatada loo gaystay dadkaas shacabka ah mar kale dafirtay in dadkaasi shacab ahaayeen. Lkn waxaa iswaydiin mudan sababta Xukuumada Soomaaliya mar waliba ku qasbaysa in ay u xalaaleyso Ciidamada Maraykanka gumaadka ay ka geysanayaan Gobolka Shabeelada Hoose?!

Waxaan ugu baaqayaa Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay u guntadaan sidii loo baajin lahaa gumaadkaan lagu hayo dadka shacabka ah ee dabar goyntu ku socoto.

CUDUR DAARASHO: Waxaan ka cudurdaaranayaa inaanan halkaan idinkugu soo gudbin karin sawiro muuqaalkoodu aad u xunyahay oo laga soo qaaday dadkaas shacabka ah ee la xasuuqay.

Hon. Mahad Salad