Mahad Salaad oo ka Hadlay Dacaayad laga Faafiyay Gudoomiye Jawaari!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan mahad maxamed Salaad oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay warar been abuur ah oo laga faafiyay Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed shiikh Jawaari

Dacaayada raqiista ah ee la faafinayo ee ah in Gudoomiye Jawaari iscasilayo waa been abuur aan sal iyo raad lahayn lagu marin habaabinayo Shacabka Soomaaliyeed.

Image may contain: 1 person

Gudoomiye Jawaari oo hada aan la joogana wuxuu ii xaqiijiyay in lagu doortay codayn qarsoodi ah, xilkana looga qaadi karo codbixin qarsoodi ah saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka Federaalka ah, sida ku cad qodobka 65aad Faqradiisa 4aad ee dastuurka KMG iyo qodobka 9aad faqradiisa 2aad ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!