Mahad Maxamed Guulleed oo sheegay in lagu dhawaaqaayo Xisbi Siyaasadeed lagusoo Unkay Villa Soomaaliya(Waqtigii Ololaha Doorashooyinka Miyaa La gaaray??)

Reading Time: < 1 minute

2020-Ka waxaa lagu balansan yahay in ay dalka ka dhacdo doorasho qof  iyo cod ah waxaana la sameeynayaan xisbiyo siyaasadeed kuwaasi oo  u hanqal taagaya hogaanka dalka.

Dowlada  Federaalka ah Ee Soomaaliya ee hadda jirta Hogaankeeda oo uu ugu Horeeyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo islamarkaana ay ku mideeysan yihiin kheeyre iyo Qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa ku dhawaaqay in ay sameeynayaan Xisbi ay ku galaan Ololaha Doorashadda

Mahdi Maxamed Guuleed  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in tilaabaddaan ay qeyb ka tahay in dalka doorasho qof iyo Cod ah la gaarsiiyo,taasi oo ay ka qabaan kalsooni weeyn

Guddiga doorashooyinka ayuu sheegay in hadda ay diwaan geliyeen xisbiyo kala duwan oo ay leeyihiin dad Siyaasiyiin ah, islamarkaana Xisbiga ay sameysanayaan Madaxda hadda xilka haysaa in uu la mid yahay xisbiyaddaasi.

Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi farmaajo  ayaa wadda dadaallo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah, ilaa iyo 20 Xisbi ayeey Gudigga Doorashooyinku Diiwaan geliyeen.