Waxa isa soo taraya wararka sheegaya in Gudigii Maaliyada ee Baarlamaanka Soomaaliya ee horay ay u sheegtay Xukuumada in la kala diray iyada oo isticmaalayso Mahad Cawad iyo Cabdiwali Muudeey ayaa waxa mar kale dib uga hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Labaad Mahad Cawad kaas oo sheegay in uusan jirin Gudi Maaliyadeed xiligan.
Hadalka ka soo yeeary Mahad Cawad ayaa imanaya labo maalin ka dib markii Gudmooniye Mursal uu la kulmay Gudigii Maaliyadda ee Baarlamaanka. Isaga oo aan cadaynin moowqifkiisa ayuuna soo xiray shirkii. Gudoomiye Mursal waxa uu sheegay in uu talo ula noqonayo labada Gudoomiye ku Xigeen.
Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa marnaba ogolaan doonin in Gudiga Maaliyadda sii shaqeeyo madaama uu dib ugu noqonayo warbixintii hore ee lagu eedeyay dowlada in ay lunsatay lacag gaaraysa $42 Milyan oo aan wali la sheegin halka ay ku danbeeysay. Hadii uu ku guulaysto RW Kheyre in uu kala diro Gudiga Maaliyada isaga oo istcimaalayo laaluush waxaan shaki ku jrin in Baarlamankii Soomaaliya albaabada u xirmay oo uu noqday hay’ad aan jirin.