Mahad Cawad oo ku dooday in uu difaacayay qadiyada beesha Dir laakiin Xildh. beesha way ku gacan seyreen

Gud. KX BJF Mahad Cawad
Reading Time: < 1 minute

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka aya kulan uu shalay galab la qaatay qaar ka mida xildhibaanada ka soo jeeda beesha Dir u sheegay in tilabada uu qaaday ay ahayd mid uu ku difaacayay qadiyada beesha Dir. Mahad Cawad aya yiri “waxa loo socdaa waa kurisga beesha Dir isaga unbaa anigu difaacayay ee RW Kheyre oo aan anigaba idinka aqaan oo ah nin  walaan anigu ma difaaceynin mana difaaci doono”.

Mid ka mida Xildihibaada ka qayb galay kulankaas oo la hadlay MOL aya yiri “waxaan u sheegnay Mahad Cawad in ayan jirin cid duulaan ku ah beesha Dir kurisigeedana ma jirto cid u socoto ee adiga ayaa danahaaga ka iiganayay go’aanka aad gaartay”.

Sida MOL ay horay idinkuugu soo tabisay xildihibaanada lacagta loo qaybiyay ee  ka soo horjeeystay go’aankii ay ayagu qaybta ka ahaayeen aya intooda badan waxa ay ka soo jeedeen beesha Dir taas oo ahayd mid uu ka soo shaqeeyay Mahad Cawad.