Magalaada Dhuusameeb oo xalay madaafiic lagu weeraray

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Mamaul Goboleedka Galmudug ayaa xalay lagu garaacay madaafiic.  Dadka ku dhaqan magalaadaad ayaa ay  soo food saartay Cabsi xooggan oo ku aaddan arrintaasi. Wararka ayaa intaas kudaraya in  Magaalada ka taagan tahay Cabsi aad u xooggan, waxaana wararku intaasi ku darayaan in Airportka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb Lagu gaaracay Madaafiic, sidoo kalena waxaaa socda oo la maqlayaa Rasaas xooggan.

Dhanka kale,   Garoonka diyaaradaha  Dhuusamareeb ayaa walwal iyo cabsi soo wajahday iyada oo laga yaabo in diyaaradaha ay ka joogsadaaan garoonka. Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyadoo cabsi ay soo foodsaarat dadka ku nool Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!