Magalaada Baladweyne oo ay ka jirto cabsi dagaal

Reading Time: 2 minutes

Magalaada Baladweyne oo ay ka jirto cabsi dagaal iyada oo uu sii kordhayo erayada xanafta leh oo ay kooxda isku haysata Baladweyne ay hawada isku marinayaan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo maanta la shiray saraakiisha amniga ee magaalada Beledweyne ayaa si adag uga hadlay iska hor imaad habeen ka hor ka dhacay gudaha magaalada oo u dhaxeeyey sarkaal gadoodsan oo ku mowqif ah Jeneraal Xuud iyo ciidamada ammaanka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa aad u dhaliilay hanaanka ay u shaqeeyaan laamaha amniga ee magaalada Beledweyne, isagoo saraakiisha ku amray inay la yimaadaan qorshe amni oo ka duwan kii hore. “Waxaan rabaa ammaanka magaalada Beledweyne wajiga uu maanta leeyahay mid aan aheyn inuu yeesho, hal sano iyo bar ayaan xaaladaan ku nooleyn mana lagu sii noolaa karo, saraakiisha waxaan ka doonayaa in deg deg amniga wax looga bedelo,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan u dul qaada doonin jabhadda Jeneraal Xuud ee ku jirta duurka oo mararka qaar weerarro ka fulisa gudaha magaalada Beledweyne, sidoo kalena aad u diidan in magaaladaas uu tago madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

“Hadii reer hebel la yahay oo tabasho jirto, reer hebel anagaa u madax ah, tabashadoodana anaga ayaa wax nagala weydiinayaa ee nin duurka u cararay wax laga weydii maayo, nin boorso kaliya dalkaan ka taalana wax laga weydiin maayo, kuwa halka sano horay gadaal u cararaya Ceel-gaal, maanta kadib uma dul qaada doono,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo saraakiisha ammaanka aad ugu canaantay in amniga ay wax badan ka qabtaan ayaa sheegay inay hadda  joogaan heer ay lafahooda la baxsan waayaan oo qarka ay u saaran yihiin in la dilo.

“Saraakiishii waa idinka, amniga in wax weyn laga qabtaan rabaa, waxay xaaladu maree lafaheena inaan la baxsa weyno oo magaalada aan dhex-mari weyno, ma in aniga la i dilaa la iskula jiraa oo tolnimo ah? maya taasi ma dhaceyso,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.