Qasaaraha ciidamad adowladda kasoo gaaray dagaalkii shalay galab ka dhacay degaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa sii kordhay.
Sarkaal kale ayaa u dhintay dhaawac culus oo dagaalkaasi kasoo gaaray, waxaana geerida saraakiisha ay hadda tahay Taliyihii guutada 13aad ee Qeybta 21 Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo Taliyihii howl-galinta ee Qaybta 21aad Gaashaanle Sare C/qaadir Maxamed Cartan (Gasaawe).
Dagaalka waxaa ciidamada dowladda uga dhaawacmay 3 askari oo kale, balse saraakiisha sare ee ku baxay ayaa jug weyn ku ah ciidamada qeybta 21-aad ee fadhigoodu yahay Gobolka Galgaduud oo ah qeybta ugu weyn ee Alshabaab hortaagan.
“Saraakiishaas waxay ahaayeen kuwii saldhigga u ahaa dagaalada ka dhanka ah kooxda argagixisada, waxayna ahaayeen rag aan saaxiib ku noqonnay iskuna barannay furimaha hore ee ciidamada..” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo tacsi u diray saraakiishan.
Tacsi ay dirayaan mas’uuliyiin iyo madax kala duwan ayaa buux dhaafisay baraha bulshada, iyadoo loo murugoonayo geerida labada sarkaal.