Magacaabis uu sameeyay Axmad Madoobe oo sare u qaaday khilaafka Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jubbaland ayaa magaacabay wasiirka arrimaha Gudaha oo banaanaa tan iyo sanadkii hore markii uu dhintay mas’uulkii waqtiga dheeraa hayey xilkaas ee Maxamed Warsame Darwiish.

Maxamed Oogle oo ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa noqdey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha. Wasaaraddii uu ksoo tagay ayaa illaa haatan waxaanan loo magacaabin mas’uul kale.

Waxa ay sidoo kale Jubbaland magacaawday gudoomiyaha Gobolka Gedo kaas oo ay si wadajira uga soo horjeesteen dhamaan siyaasiyiinta beesha Mareexaan ee aan ku jirin xeendaabka siyaasada ee Axmad Madoobe

Magacaabistyaan ayaa ku soo adaay  markii wafti uu hoggaaminayo Senator Cabdullaahi Fartaag ay ka dageen magaalada Baardheere. Wararka ayaa waxay sheegayaan in wafdigan uu halkaasi shir uga furmayo, ayna ogolaansho ka haystaan madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Jeneraal Fartaag oo dad kula hadlay Baardheere ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii loo dhisi lahaa Jubbaland loo dhan-yahay. Hadalkan waxa uu u muuqdaa bilowga olole cusub. Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ka shaqeeyo arrimaha gobolka Gedo oo siyaasad ahaan cakiran walina aanan xal waara laga gaarin.

Maalin ka hor ayuu madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan gobolka Gedo u magacaabay mas’uul si kumeelgaar ah u maamulaya, kaasi oo balse aanan awood muuqata ku lahayn guud ahaan gobolkaasi.

Xaalada Siyaasadda ee Jubbaland ayaa haatan gashay marxalad adag taas oo keeni doonta in ay sare u qaada khilaafka siyaasadeed ee ka jira deegaanada hoosyimaada Jubbaland.