Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedka ayaa maanta magacaabay afhayeen cusub oo ku hadli doona magaca Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedka. Gudomiyaha Golaha Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas ayaa qoraal uu soo saaray isaga oo ku hadlaya magaca xubnaha Golaha magacaabay Afhayeen cusub oo ku hadli doona magaca Golaha.
Qoraalka Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay in loo magacaabay Cabdullahi Shiikh Xassan in uu noqdo afhayeenka rasmiga aha ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedka.
Mudan Cabdulahi Shiikh Xassan ayaa hadda ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed. Mudane Cabdullahi ayaa beel ahaan ka soo jeeda beelaha dega labada Dowlad Goboleed ee Hirshabeele iyo Konfur Galbeed. Cabdullahi ayaa ah qof aan ka baqin in uu runta ka hadlo isla markaan aad looga yaqaano warbaahinta Koonfurta Somaliya.
Magacaabista Mudane Cabdullahi oo hanti ku leh deeganka Dowlad Gobleedka Hirshabeele isla markaana qoyskiisa degan yihiin ayaan waxaan shaki ku jrin in ay culays ku keeni doonto Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo maamulkiisa. Way ku adkaan doontaa MW Waare in uu ku hadlo magaca dadka degan deeganaka isaga oo aflagaadeynaya ama dacaayadeynaya GIDG. Waxaana shaki ku jirin in Mudane Cabdullahi si toos ah ukula tartami doono warbaahinta Koonfurta Soomaliya.
Magacaabista Cabdullahi Shiikh Xassan ayaa u muuqato mid si dheer looga baarandegay isla markaana laga leeyahay istaratigiyo fog.
Halkaan ka aqriso qoraalka Gudoomiyaha