Magaalooyin Waa weeyn oo dalka Ethiopia ku yaala oo laga cabsi Qabo in Qaraxyo ka dhacaan!!

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay dhici karaan qaraxyo hor leh oo ka dhaca gudaha dalkaasi, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xaaladda ammaanka ee dalkaasi.

Wasiirka Isgaarsiinta dalka Itoobiya Axmed Shide ayaa xusay in qarax la mid midkii magaalada Addis Ababa ka dhacay todobaadkii la soo dhaafay uu dhici karo.

Wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay wadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar midkaasi la mid ah.

Axmed Shide wasiirka Isgaarsiinta ee dalka Itoobiya ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dhibaatooyin ka dhaca gudaha dalkaasi.

Todobaadkii hore  ayaa waxaa fagaare ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya oo ay isugu yimaadeen kumanaan ruux oo ahaa taageerayaasha ra’,iisul wasaaraha dalkaasi waxaa ka dhacay qarax khasaare geystay.