Magalada Muqdisho waxa maalmihi udanbeysay kuso batay arin dhibaato xoogan ku ah dadka dagan magaalada,waxa ayna dhacdadaasi ay sababta in dagaal la isugu tagao gacmaha oo qoryo la isku so qaato iyado arintaasi wax ka qabashadeeda ay ku fashilan tahay dowlada iyo maamulka dowlada hoose oo wakiill ka ah arimahan.
Isqabqabsiga Dhulalka aya sababa in magaalada mudisho gudaheda la isku dagaalo iyado ay soo lablabten arimahaasi.
Duqa Muqdisho Eng Yariisow aya daawade ka ah arimahasi Magaalada Ku Xogeytay Tan iyo marki xilkasi lo magacabay isqabqabsiga dhulalka iyado qalalaasaha ka dhashay isqabqabsiyada dhaca ay ku naf wayan shacab ka ag dhaw halkaa falku uu ka dhacay iyo dadka is heysta qaarkood oo halkaasi dil isugu geyta,arintaasi oo nasiib xumo iyo mid abuuri kareysa dagaal beeleed ka dhasha dayacada dowlada iyo maamulka gobolka banaadir.
Degmoyinka ugu badan ee dhulalka la isugu qabsado wa dagmoyinka Yaaqshiid,Kaaran,Dharkeynley iyo Deyniile dhamaana waxa maamulkooda ka masuul ah C/raxmaan Cumar Osmaan Yariisow isago daawade ka ah kuna Mashquulay qabashada Xaflado iyo Kulamo uu la qaato eybo ka mid safiirada dalka ku sugan.
Muqdisho aya martisa Maalin kasta dad lo dilo dhul iyado ay jiraan masuuliyin iyo saraakil dagan ama heysta dhulal ay leyihin dad shacab ah oo an awoodin in dhulkooda ay dadkasi kala baxaan.
Shacabka ku dhaqan maagalada muqdisho aya xiliyada qaar la kulma waxyeelo kaga so garta weerarada dhex mara ciidamo kala matala laba quf oo beel ahan logu dagalamo iyado dadkasi ay yihin kuwa isku heysta dhul.
Inkastoo dhacdoyinkasi ay galaafteyn nolosha dad badan,hadana waxa ay abuuri karta isku dhacyo ka dhasha beelo walaala ah.
Dhawan waxa Muqdisho lagu dilay askari ka tirsan ciidanka xooga dalka iyado ay dilkasi geysteyn ciidamo ka tirsan dowlada soomaaliya waxaana dilkasi sababay sababo la xiriira is qabsi la xiriira dhul.