Magaalada Muqdisho oo 3-qeeyb loo kala Jaray iyo Hay’adaha Amnigga oo lagu dhaliilay Caburin shacab!!

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya Gaar ahaan kuwa Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Ee (NISA) Ayaa waxaa ay tan iyo markii ay dhalatay bisha ramadaan waxaa ay dileen Dhowr qof oo shacab kuwaasi oo u badnaa dhalinyaro kaxeeyneeysay Booto-Bajaaj.

Sababta ugu weeyn ee dilalkaasi ay geeysteen Ciidamada Dowladdu dhaceen ayaa waxaa ay tahay in Wadooyinka Muhiimka ah ee muqdisho la xirxiray Qofka dhalinyaradda ah ee Mootada wadana laga rabo 10$ oo maalin walbo ah asigoo raadinaayo Qutul-yoomka reerkiisa iyo mida laga rabo ee Milkiilaha ayuu xoogsanayaa ciidamada ka dib sidaasi ayeey ku dilaan.

Shacabka Ku Nool Gobolka Banaadir waxaa ay qabaan Sedax Caqabadood oo ganacsigga isku socodka iyo Waxbarashadda Hakad galisay Waxeeyna kala Yihiin.

In la xiray wadooyinka oo aan la ogeeyn in lasoo muudo taas ayaa waxaa ay sababtay in rux walbo uu gurigiisa ku nagaado,waxeeyna tani dhimeeysaa Bilicda iyo Hagaagsanaanta Caasimada.

Tusaale:Qofka Deggan Degmada Daayniile Ama Yaaqshiid Qeeybta Shishe ee Warshadaha Hadii uu soo raaco gaari islamarkaana uu rabo Xamar weeyne waxaa uu raacayaa Sedax Gaari.

Midka ugu Horeeya ee soo qaaado waxaa uu  keenayaa  Wadada Warshadaha midka ku xiga waxaa uu kasoo qaadayaa Laamigga Warshadaha waxaana uu geynayaa Jidka Wadnaha,ka dib qofku dhowr talaabo ayuu lugeeynayaa oo uu laamigga gooynayaa waxuun raaciyaa gaari kale.

Arintaan ayaa waxaa ay sidoo kale Baajisay Barashada Maadooyin muhiim ah oo ay qaadan laheeyn ardaydu,sababtoo ardaygu ma awoodo in  uu maalin walbo 12-$ gaari ku raaco si uu  jaamacadda u gaaro.

Hadaba sow lama oran karo shacabka ku nool magaalada Muqdisho waxaa ay yihiin kuwa loo heshiiyay islamarkaana la rabo in la Cirib tiro,dhinac walbo Dhaqaalle,waxbarasho iyo Waxgaradba.