Magaalada Muqadishu oo maanta kala xiran iyo ganacsiga oo joogsaday

Iyada oo maanta la filayo in uu magaalada Muqadishu  safar ku yimaado Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa maanta xiran dhamaan badan wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinkaasi lagu arkayo ciidamo badan oo dowladda federaalka Soomaaliya ah.

Waddooyinka wadnaha iyo Makka Al-mukarrama ayaa ah meelaha ay ciidamo xireen, waxaana loo diidayaa iney halkaasi isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Waxaa la arkayaa shacab u badan shaqaale iyo arday oo ku lugeynaya waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqadishu ayaa dhib ku qaba xiritaanka wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here