Magaalada Kismaayo Oo Maanta La Filayo In Shir Xasaasi Uu Halkaasi Kaga Furmo Madaxda Dowlad Goboleedyada

Reading Time: < 1 minute

Sida uu qorshaha yahay maanta waxaa magaalada Kismaayo ka furmaya shir ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ku wada sugan magaalada Kismaayo, kadib markii shalay uu halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubbaland.

Gelinka hore ee maanta sidoo kale waxaa la filayaa inay magaalada Kismaayo gaaraan Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay uu baaqday safarkooda.

Shirkan ayaa waxaa horey u iclaamiyay Gudoomiyaha Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qeybsiga kheyraadka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, iyada oo ciidan badan laga soo saaray xerooyinkooda, kuwaasi oo ku sugan wadooyinka magaalada iyo xarunta uu shirka ka dhacayo.

Shirkan ayaa wuxuu noqonayaa shrikii Saddexaad oo ay isugu yimaadaan madaxda dowlad goboleedyada, sidoo kale waa kii labaad oo madaxdan ay yeeshaan magaalada Kismaayo.