Magaalada Garowe oo Lagu Wado in uu Ka Furmo Shir Ka Dhan ah Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Waxa Maanta lagu wadaa in Magalada garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ee Puntland in uu ka furmo shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada.

Shalay gelinkii dambe waxaa magalada Garoowe gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse,waxaana sidoo kale halkaasi ku sugan wasiirada amniga dowlad goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa looga hadalayaa arrimaha amniga dalka sidii dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay weli gacanta ku hayaan.

Shirkaan looga hadlayo amniga ayaa waxaa horay loogu qabtay inta badan xarumaha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.,iyada oo laga soo saaray qodobo ku saabsan Amniga dalka.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!