Magaalada Gaalkacyo oo Laga Joojiyay Xaflad Lagu Buunbuninayay Raisul Wasaare Kheyre&Lacago Xoogan oo uu Kheyre Ku Bixiyay Xafladasi

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanayay magaalada Gaalkacyo aya sheegaya in la kala diray Dhalinyaro soo qaban qaabisay xaflad tagero logu radinyay R/wasaaraha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan cali kheeyre xafladasi oo ka dhici Laheed Magaaladda Gaalkacyo

Wararka aya shegaya in C/wali Maxamed Cali gaas uu laha amarka xafladaasi lahu joojiyay iyadoo dhalinyaradda Barnaamijkaasi damacsanaa iyo Maamulka Hotel-ka lagu amray in la xiraayo hadii ay qaadaan Talaabadaasi,

Dhalinyaradda Barnaamijkaan soo agaasimtay ayaa waxaa ay sheegeen in Gaas uu u sacaba tumaayay kolkii ay taageerayeeen Farmaajo islamarkaana ayna garan karin sababta labada Masuul uu u kala jecleeysanaayo.

Raisul wasaare Kheyre aya lacago xoogan ku bixinaya xaflado la qorshenayo in ay ka dhacan qeybo ka mid gobolada dalka, iyado xoogan uu ku bixiyay xaflada magaalada galkacyo laga joojiyay.

Arintasi ayaa cadeeynaysa in Madaxweyne gaas uu Banaanka keenay qabyaaladiisa,waxeeyna tani dhimeeysaa Xariirka Xukumadda iyo gaas.

dhalinyaradan aya ah dhalinyaro kooxda madaxtoyada ay siyan lacago lagu buun bunbuninayo kooxda maamulka haya,mashruuc la mid ah midka hatan laga joojiyay gaalkacyo aya dhawan ka dhacay magaladasi ayado farrmaajo uu ku bixiyay lacago xoogan oo ka mid aha hantidi qaranka.

Arintan aya ah mid si weyn loga hadal hayo manta magalada gaalkacyo iyo casimada muqdisho waxa sido kale baraha bulshada laga dawanaya muqalada ay so dubeyn dhalinyaradaasi bananka kenay dhacdadaasi.