Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Dammaam ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa Qaddiyada Falastiin, dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, colaadaha Suuriya, Yemen iyo Liibiya, waxaana la filayaa in madaxda Carabta ay si qoto dheer uga doodaan xal u helida mushkiladaha ka taagan dalalka qaar.
Shirkan ayaa markii hore qorshihiisa ahaa inuu ka dhaco magaalada Riyadh, hase ahaatee xaalado amni darteed ayaa looga soo wareejiyay, kaddib markii Kooxaha Xuutiyiinta ay gantaalo ku soo rideen.
Ammaanka magaalada Dammaam ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan kumanaan askari oo sugaya, amniga berriga, badda iyo cirkaba inta uu socdo shirka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya shir madaxeedka Jaamacadda Carabta, waxaana la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad.
Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta ayaa sanadkan ku soo beegmay, iyadoo dalalka Khaliijka uu khilaaf u dhaxeeyo, kaasoo ka dhashay markii isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xiriirka u jareen dalka Qatar.