hilaafka dib uga soo cusboonaaday Maamulka Galmudug ayaa weji cusub sii galaya, iyadoo Madaxda labada dhinac ee ku kala sugan Cadaado iyo Dhuusamareeb ay shirar gaar gaar ah oo iska soo horjeeda ay leeyihiin.
Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay ku qul qulayaan, kaddib markii uu u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shir ku leh magaalada Cadaado maalinta Talaadada, kaasoo looga hadlayo arrimaha xilligan ka taagan ee khilaafka.
Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna in la baal maray, iyagoo ka soo horjeeda awoodihii maamulkaas oo hal dhinac galay.
Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir ayaa isku dhinac ka ah, waxayna labadan Mas’uul ay ahaayeen kuwo isku soo dhowaanayay tan iyo intii labada maamul ay heshiiska ku gaareen Jabuuti.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajaheysa eedeymo la xiriira inay faragelineyso arrimaha Galmudug oo muddo 8 bilood kaddib uu dib u soo cusboonaaday khilaafkii ka dhex taagnaa madaxda maamulkaas.