Magaalada Cadaado oo Ka Cabsi Qaba Diyarado Dagaal oo Joog Hoose Ku Sucda Maanta

Reading Time: < 1 minute

Wararka an ka heleyno magaalada cadaado aya shegaya in diyaarado joog hose ku sucanaya ay manta lagu arkayo deeganada hoos taga magaalada Cadaado.

Deegaanka Docoleey oo 45km u jira Magaalada Cadaado ayaa ka mid ah halka Diyaaradaha lagu arkay,waxaana dadka ku nool halkaas ay soo sheegayaan in ilaa saakay ay arkayeen Diyaaradao gaaraya ilaa 4 kuwaas oo isugu jira helicopter iyo kuwa Miiga loo yaqaano.

Ilaa iyo hadda lama oga dalka laga leeyahay diyaaradaahas iyo ujeedka ay halkaasi u tageen welina dhankoda wa war ah kama soo bxiin maamulka Galmudug oo ka arrimiya deegaannada lagu arkay diyaaradaha jooga hose ku socda.

horay gobolka mudug qeybo ka mid ah waxa lagu arkay Diyaarado dagaal,waxana Wariyayaal ku sugan Cadaado ay sheegayaan in 48 Saac ee la soo dhaafay diyaaradahaas la arkayey.