Magaalada Baydhabo oo ay ka jirto xaaalad kacsan iyo cabsi

Reading Time: < 1 minute

Sida ay ku soo waramayo wariyaha MOL oo maanta socod ku maray magalaada Baydahbo ayaa sheegay in Xaaladda magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ay kacsan tahay iyada oo ganacsiyada qaar la xiray.

Cabsida ayaa timid kad dib markii shalay ay ka dhaceen magaaladaasg dilal kala duwan oo ay geysteen malleeshiyaad hubaysan oo la sheegay in ay tarisanaayeen Ciidanka Xogga Dalka.

Dadkii shalay lagu  dilay magaalada ayaa waxa ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade magax wayn ku lahaa shacabka reeer Baydhabo, Marxuunka ayaa lagu dhex-toogtay beertiisa oo ku taalla duleedka Baydhabo.

Dilka Cali Marguus ka dib ayaa waxaa Baydhabo lagu dilay afar qof oo kale. Magaalada Baydbaho ayaa waxaa ka jira cabsi iyada oo laga baqayo in beesha uu ka dhashay Ganacsade Cali Marguus oo ka mida beelaha ugu waaweyn ee Koonfur Galbeed in ay dagaal aagoosi ah ku qaadaan dadka lagu tumayo dilka Cali Marguus.

Cabsida ka taagan Baydhabo ayaa sababtay maanta inaysan maanta furnayn inta badan xarumaha ganacsiga ee magaaladaas, waxaana dadka qaarkood ay sheegayaan in cabsidu ay tahay mid aad u sarreysa, lana filan karo falal-dambiyeedyo kale oo dhaca.

Dhanka kale waxa maanta ku noqday magaalada Baydhabo xildhibaanada beesha Liisan ee ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka si ay u dajiyaan xaalada kacsan eek a jirta Baydhabo.