R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) Ayaa maanta Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya Uga qayb galaayo shirka madaxda Africa oo Ka furmaayo Halkaasi.
Mahdi Maxamed Guulleed R/wasaare ku xigeenka dalka oo la hadalayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Shirkaan looga hadlayo Sidii dib u habeen loogu sameen lahaa midowga afrika, iyo sidii ay si wanaagsan u wada shaqeyn lahaayeen EU-da iyo Urur Goboleedka Qaaradda Afrika ee UA.
Sidokale waxa uu intaa ku daray in shirka looga hadlaayo Hormarinta Afrika gaar ahaan arrimaha is dhex galka bulshada, dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.
Dhawaanahaan waxaa socday dhaq dhaqaaqyo ay hogaamiyayaasha geeska Afrika ku doonayaan in ay xiriir Goboleed wanaagsan ay yeeshaan taasi oo dadka wadamada geeska Afrika si weyn ugu kala aragti duwanyihiin.