Magaalada Adis ababa oo maanta lagu soo geba-gabeynayo shirka urur Goboleedka Igad

Reading Time: < 1 minute

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in la soo geba gabeeyo shirka Golaha guud ee Midawga Afrika,waxana Soomaaliya shirkasi uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Shirkaan oo uu guddoominayo guddoomiyaha midawga Afrika Paul Kagame, ayaa qorshuhu yahay in go’aamo looga gaaro qodobadii kasoo baxay shirkii labaatanaad ee aan caadiga ahayn ee November 14 -15, 2018 ay yeesheen guddiga fulinta ee midawga Afrika.

Qodobada shirka looga hadlay ayaa waxaa kamid ah ahaa dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta Midawga Afrika (AUDA iyo dhaqaalaha lagu socodsiiyo shaqooyinka midawga Afrika.

Shirka oo shalay ka furmay Addis Ababa ayaa ah kulankii 11-aad ee aan caadiga ahayn ee ay yeeshaan golaha guud ee midawga Afrika Maanta ayaana la soo geba-gebeynayaa.