Sida ay sheegayaan xogta aan ka helayno xarunta Midowga Afrika, wakiilka gaar aha ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira ayaa ku sii shaqayn doona magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya inta la magacaabayo shaqsigii badali lahaa.
Waxaa uu si buuxda u sii wadi doonaa shaqadiisii caadiga ahayd iyaga oo dhamaan AMTIS iyo hogaankeeda ay ka amar qaadanayaan isaga. Ma aha markii u horeeysay oo shaqsi dalka laga ceyriyay uu shaqsiisa sii wato isaga waliba mushaarka loo badiyay. Lama oga inta uu sii heyn doono xilkaas.
Waxaa ilaa shaqadiisa si buuxda u wata Madaxii siyaasadda ee AMTIS kaas oo dhowr bilood ka hor dalka laga ceyriyay, waxaana sare loo qaaday mushaarkiisa madaama uu ku shaqeeyo meel ka baxsan Soomaaliya.
Dhanka kale, howlgalka KMG ah ATMIT ee lagu baddelay AMISOM ayaa la kowsaday jahwareer siyaasadeed oo ka dhex dhashay Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo Xukuumadda Federaalka kaddib markii uu faraha la galay howlo ka baxsan waajibaadkiisa.
Muranka diblumaasi ayaa gaaray heer xaanshiyo iska soo horjeeda ay soo kala saaraan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Villa Somalia, Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in Madeira uu sii wadanayo shaqadiisa.
Go’aanka Musa Faki ayaa dhaliyay in Xukuumadda Soomaaliya ay Dal ku galka kahor istaagto Danjire Madeira halka Diyaaradaha iyo waaxda amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Qaabilsan ay Wasaaradda Amniga XFS ku wargelisay in uusan dalka soo gelin.
Wargeyska The East African oo soo xiganaya Diblumaasiyiin si dhaw ula socda arrintaan ayaa sheegay in Midowga Afrika uu baddelayo maalmaha soo socda Danjire Madeira si hoos loogu dhigo xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay eryidda Danjiraha.
XFS ayaa Madeira ku eedeysay in uu faraha la galay arrimo ka baxsan howlaha loo igmaday sida in uu dhaleeceen caddeyn la’aan ah u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxdii hore ee Dalka, Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Puntland.
Cod laga duubay Francisco Madeira ayaa ku faafay Baraha Bulshada, taasi waxa ay hoos usii dhigtay rejada uu lahaa dib ugu soo laabashada Muqdisho si uu ula jaanqaado howlgalka ATMIS ee lagu baddelay AMISOM.
Francisco Madeira ayaa xilkaan loo magacaabay 2015kii, waxa uu la wareegay janaayo 2016kii, howshaan kahor Danjirahaan u dhashay Mozambique waxaa hayay Maman Sambo Sidikou oo dhalashadiisu tahay Nigeria.