Madaxweynihii hore ee galmudug oo war ka soo saaray colaada kataagan deegaanada Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, isagoona ka digay in dhinacyada isu haya ay wada dagaalamaan.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka dagaashay colaad iyo dagaalo, isla-markaana aanay iminka u baahnayn colaad iyo dagaalo dambe oo ka dhaca.

“Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la’aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahnayn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato, waxaana dadka reer Galmudug ay ka reebeen asaagooda Dowlad Gobaleedyada kale.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Waxaa uu talooyin u soo jeediyay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Galmudug, talooyinkaas oo saddex qodob ahaa ayaa u qornaa sidatan:-

1- In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, wixii is faham la’aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal.

2- Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.

3- Ururka Ahlu Sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada xiriirisa ee Facebook.