Golaha guurtida ee dalka Ingiriiska oo ka kooban odayaasha dhaqanka ee bulshada UK oo isku duuban ayaa waxay casho sharaf u sameeyeen Mdaxweyne Xasan sheekh. Ugu horreyn waxaa warbixin siiyey Madaxweynaha, guddoomiyaha golaha guurtida Jaaliyadda soomaaliyeed Ee UK Dr Maxamed Cabdiraxmaan, isagoo sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin inay la kulmaan Mdaxaweyne Xasan Sheekh oo waqtigiisa oo aad u ciriiri ahaa go’aansaday inuu dhageysto dareenka odayaasha, talana ka qaato miidda iyo mudanayaasha haya sooyaalka iyo xusuusta ummadda.
Sidoo kale odayaasha waxay madaxweynaha ka dhageysteen warbixin ku aaddan qaabkii ay dalka u soo hogaamiyey muddadii afarta sano ahayd ee uu madaxweynaha ahaa, oo aan wax qalalaaso siyasadeed ah aysan u dhicin, sidii Alshbaab ay dawladdiisa ugga xoreysay dhul badan iyo sidii Madaxda gobollada iyo dawladda dhexe ay u wada shaqeyn jireen oo ay gacmaha isu haysan jireen.
Madaxweynaha isagoo ka duulayey su’aalahaasa ayaa uga jawabbay weydamahdoodii waxaa uu uga warramay odayaaasha xaaladihii adkaa ee dalku soo maray marka laga soo bilaabo Carta ilaa iyo hadda oo dawlad la aqoonsan yahay aan nahay.
Odayasha oo la hubo inay aad dalkooda Iu jecel yihiin, aadna uga walaacsan sida hadda ay wax u socdaan ayaa weydiiyeen su’aalo xooggoodu u badnaa sida uu isgu hayn jiray madaxda gobollada oo iminka kala tagsan, shabaab oo inay caasimadda qabsadaan qarka u saaran iyo siyaasaddii dibadda oo dalka gooni joog ka dhigtay sida uu ugu guuleystay hawlahaas afartii sano ee uu dalka xukumayey. Maadaxweynaha ayaa u sheegay inay waxa ugu weyn ee dawladdiisu ay xooga saaratay uu ahaa in mar waliba talawadaag lagu hogaamiyo dalka oo aan cidna awoodda ku tagri falin iyo Madaxda Maamul goboleedyada mar wliba ay talada wax ku leeyihiin si ay fulinteeda wax ugu lahaadaan.
Oday ka md ahaa raggii ugu cadcadaa dhinaca su’aalaha oo ay MOL la xiriirtay ayaa u sheegay inuu madaxweynaha ka shaafiyeyey dhamaan su’aalihii ay qabeen odayaasha waxaanu ku abuuray rajo cusub isagoo u sharraxay in dalka uu qof iyo shakhsiyaad ka weyn yahay loona baahan yahay in loo wada guntado oo gacmaha la is qabsado si waxa khaldanna loo saxo.
Mar wax laga weydiiyey MW Xasan Sheekh arrinta midnimada ayaa waxaa uu ku jawaabay in dawladiisu ay isku dayday inay wadahallada “Somaliland” ay mira dhalaan laakiin u baahan tahay waqti dheer oo booga badan oo jiraa ay Khasab tahay in la dhayo. Madaxweynaha waxaa uu odayaasha u sheegay inay ka qeyb qaataan oo laga rabo inay doorkooda ka qaataan. MW Xasan sheekh waxaa uu yiri waxaan idiin caddeynayaa khibrad ahaan in labada dhinacba (Waqooyi iyo Koofur) ka maqan yihiin wax badan oo wanaag ah oo ay midnimada la iman lahayd, faa’iidadeeduna ay shacbka guran lahaayeen, sidaas darted ay Khasab tahay in aan diiradda laga qaadin sidii looga mira dhalin lahaa midnimada.
Madaxweynu waxaa uu sheegay in maamullada hadda jiraa xataa ay qabyo yihiin oo loo baahan in xukunka iyo doorashooyinka loo daadajiyo degmooyinka iyo tuulooyinka dalka si dadku ay u soo doortaan cidda mataleysa si dawladnimada loo wada lahaado. 135 ayaa aniga iyo dawladdeyda naga dooratay Xamar, dawladdaan hadda jirtaa xildhibaanadeeda waxaan gaarsiinnay inay xildhibaan walba soo doortaan 14,500 oo qof oo 6 Magaalo ay doorashadu ka dhacdo waxaana qorshuhu ahaa inay tan soo socotaa ee 2020 ay ka dhacdo degmooyinka, haddaan toolyinka la gaar karin.
Haddaba si hadafkaas looga dhabeeyo waxaa uu MW Xasan sheekh u sheegay golaha guurtida inay dhawaan Xamar ku yegleeleen xisbi cusub, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarkaoo ka sameysan kooxo badan oo dhammaantood ay ka go’an tahay in dalka lagu xukumo caddaalad iyo sinaan loo dhan yahay, balsa odayaasha laga rabo inaysan marti ka noqon meelaha laga soo bilaabayo in xukun caddaallad ah la keeno, laakiin qeyb buuxda ka noqdaan asaaska hoose. Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka Xasan Sh Maxamuud waxaa uu u ugu baaqay in oday waliba oo halkaas fadhiyaa uu xisbiga xubin firfircoon ka noqdo, waxaanu ballanqaaday inay talada wax yeelan doonaan haddii ay dhismaha wax ku leeyihiin.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Xasan sheekh waxaa uu odayaasha kula dardaarmay in la ilaaliyo midnimada ummada Somaliyeed, xorinimda dalka iyo dadka Somaliyeed lagana shaqeeyo sidii loo dhameystiri lahaa geeddisocodka dawlad dhiska Somaaliya oo ay wax badan ka harsan yihiin, iyadoo ay Khasab tahay in laga ilaashadao cid kasta oo dhaawaceysa dalka , min madaxweyne ilaa iyo adeege meelna looga soo wada jeesto wax kasta oo wax yeli kara mustaqbalka dhow iyo kan fog ee dalkeenna.