Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo geeriyooday

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi uu goordhow geeriyooday. Wakaalada wararka ee Masar  ayaa warisay  geeridiisa kaddib markii uu ka soo muuqday Maxkamad.

Maxamed Mursi ayaa ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee si dimoqraadi loo soo doortay, kaddib kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray Xusni Mubaarak.