Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa boqolka maalin ee ugu horreeya ay xoogga saari doonto wax ka qabashada Amniga dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in uu ku dadaali doono sidii loo meel marin lahaa Shuruuc badan oo la xiriira Amniga dalka, kaasi oo ku tilmaamay mid aan ku saleysneyn Nidaamka Federaalka.
“Boqolka Maalmood ee ugu horreeya waxaan ka shaqeyn doona in aan waxbadan ka badalno Nidaamka ay ku shaqeeyaan Hay’addaha Amniga iyo Shuruucdooda, weliba waa la Federaaleyn” ayuu yiri Xasan Shiikh.
“Magaalada Muqdisho Amnigeeda in aan xaqiijino ayaan rabnaa, waxaana ka horreeya in aan sugno Amniga labada gobol ee Shabeellooyinka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha cusub ee Axadii ku soo baxay Doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa bulshada Soomaaliyeed waxaa ay ka dhowr sugeysa sidii uu wax badan uga badali lahaa arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.