Madaxweyne Xasan Sheekh oo si heer Sare ah loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha JFS & wafdi uu hoggaaminayo oo hoor dhow soo gaaray magaalada Jabuuti halkaasoo loogu sameeyay soo dhaweyn aad u heer sarreysay.

Madaxweynaha aya salaan sharaf ka qaatay ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa Madaxweynaha garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle & masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiirada Jabuuti.

Madaxweynaha & wafdigiisa aya loo galbiyay Madaxtooyada Jabuuti halkaasoo uu wada hadal & is xog wareysi la yeelan doono dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.