Juneyd Ismaaciil Cigale waasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Kalluumysiga ee Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay in Madaxweynaha maamulkaasi uu bur burin ku hayo Galmudug.
Waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanka iyo waxgaradka deegaanka uu wax wadatashi ah kala sameynin go’aanada uu gaarayo, taasna ay bur bur iyo dhibaato u keeni karto jirataanka Galmudug.
Wasiir Juneyd ayaa ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Odayaasha Dhaqanka in ay ka hortagaan dhibaatooyinka maamulkaasi uu ku hayo madaxweyne Axmed Ducaalee Gelle Xaaf.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada dadaalo uu ku baahinayo maamulka Galmudug,maadama xal laga gaaray khilaafka maamulka Galmudug kala dhaxeeyay Ahlu suna.