Madaxweyne Xaaf oo magacaabay Wasiir cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa Wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa waxa uu ku Magacaabay Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose  kaas oo loo magacaabay Saalax Cabdullaahi Maxamed.

Magacaabista Madaxweynaha Galmudug ee Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli deegaano ka tirsan Galmudug ay ka socdaan dagaal beeleedyo iyo kuwo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda.