Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,oo maanta Khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,taasi oo lagu qabtay Muqdisho.
Marka hore Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya horumar iyo waliba inuu ilaahey ku garab galo howlaha adag ee horyaala.
Sidoo kale,madaxweynaha Galmudug ayaa soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo is jiid jiidka siyaasideed ee haatan dalka ka taagan.
Wuxuu sheegay in si kedis loogu sheegay Xafladda,islamarkaana mar hore lagu war gelin”” Sokeeye lajecel yahayna Maahi, shisheeye laga baqana Maahi xafladana”