MW Xaaf oo ka digay in la hor istaago danaha Shacabka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mida siyaasiyiinta ka soo jeeda Deeganadda Galmudug ayaa sameeyaya isku day qalalaase siyaasadeed oo looga soo horjeedo  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf),ee ku aadan doorashadda Dowladd Goboleedka Galmudug.

Siyaasi Maxamed Cali Ruush oo kamid ah Siyaasiyiinta Deeganadda Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay In Madaxweyne Xaaf uusan is hor istaagi karin doorashadda Dhuusa-mareeb ka dhacaysa.

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa ku goodiyay in uu talaabo cad ka qaadi doono siyaasyiinta uu ku tilmaamay in ay u shaqeeyaan Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa dhawaan ka hadlay khilaafka xilligan soo kala dhexgalay isaga iyo Dowladda Federaalka, ee ku aadan geedi-socodka doorashada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay ka baxday heshiiskii ay wada gaareen, ee ahaa inay isla wadaan dhismaha maamulka cusub, balse uu heshiiskaasi ka fuli waayay dhanka dowladda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!