Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaal ka socda gobolada Galgaduud iyo Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaanka Dudan cade ee duleedka Degmada Maxaas, isaga oo sheegay in Galmudug ay ka go’antahay in si dhaw xal u helida arinta ay uga kaashato Dowlad Goboleedka Hirshabelle si xal waara looga gaaro colaada, si loo baajiyo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo colaadaha soo noqnoqday looga gudbi karo in dadka walaalaha ah ee dagaalamaya ay xalka xeelad ku raadiyaan halkii ay xabad adeegsan lahaayeen, ayna Allaah waydiistaan dambi dhaaf, islamarkaana ay ku wada noolaadaa deris wanaag,Is -ogol iyo isku-tanaasul.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq wadajireed u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiiggoodu uu ku daadinayo Deegaanada Dudan cade iyo Kaxandhaale. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Dagaal wiil kuma dhashee, wiil baa ku dhinta. Waxa dhimanaayo dad xidid iyo xigaala ah. Reer Galmudug waxa looga baahanyahay mar walba iney u hiiliyaa nabadda, deris wanaaga iyo wada noolashaha.”.