Madaxweyne Xaaf oo Gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulkaasi, isaga oo ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qeyb galay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiil Ciidan.

Dadweyne wata sawirka Hoggaamiyaha Galmudug oo isugu jira Haween iyo Dhalinyaro ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa Dhuusa-mareeb waxa ay ugu dambeysay dhammaadkii bishii January xilligaasi oo ay heshiiska dhameystirka ah gaareen labada maamul.