Madaxweyne Xaaf oo Dhuusamareeb kula kulmaya  Xildhibaanadda  Matala Beelaha Qaar!!!

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo muranka Khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu ka taagan yahay maamulka gobolka ayaa waxaa lagusoo waramayaa in madaxweynaha Maamulka galmudug uu dhuusamareeb kula kulmaayo qaar ka mid ah Xildhibaanadda baarlamaanka maamulka galmudug gaar ahaan kuwa Beelaha Qaar matala.

Wararkii ugu dambeeyay  ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle”Xaaf” Iyo Madaxa Xukumadda Maamulkaasi Shiikh Maxamed Shaakir Cali in ay la kulmayaan xildhibaanadda si aan dhankooda looga soo marin.

Tiro Xildhibaano ah oo loosoo xulay qaab qabiil ayaa lagu madlansan yahay in Bacdal afur la kulmaan islamarkaana lagu qanciyo in aan dhankooda lagasoo galin.

Madaxda Maamulka Galmudug khilaafkooda ayaa waxaa la rumeeysan yahay in lagasoo abaabulaayo magaalada muqdisho,lana rabo in xaaf meesha laga saaro.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!