Madaxweyne Xaaf oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwo ka dhan ah Dowlada Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa wuxuu sheegay in beesha caalamka ay u gudbiyeen cabasho ka dhan ah dowladda federaalka.

Hadalkan ayaa Xaaf wuxuu sheegay kadib markii maanta uu ku laabtay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xaaf ayaa sheegay in beesha caalamka ay u gudbiyeen culeysaadka siyaasadeed ee ay kala kulmeen dowladda federaalka, si xal looga gaaro mad madowga jira.

“Nairobi waxaan kula kulmay xubno ka tirsan beesha caalamka, waxaan u bandhignay culeysaadka dalka ka jira gaar ahaan culeyska dowladda ay ku heyso Galmudug, ujeedada waxay tahay sidii wax walba loo hagaajin lahaa, waxaan rajeynayaa wax walba inay fududaadaan”. Ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kale madaxweyne Axmed Ducaalle ayaa sheegay inta uu Nairobi ku sugnaa in kulan caadi ah ay halkaasi ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada oo shaqooyin kala duwan u tagay Kenya.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa 10-ka bishan waxa ay kulan ku yeelanayaan magaalada Garowe, iyaga oo ka hadalaya xaalada guud ee dalka iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhexe.