Madaxweyne Xaaf oo safar howleed u jooga magaalada Nairobi ayaa qaabilay Sanator Muuse Suudi Yalaxoow oo kamid mudanaayasha Aqalka Sare ee matala dadka ku nool Gobalka Banaadir.
Kadib soo dhaweyn iyo is xog-wareysi guud, Senator Suudi ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xaaf dadaalkiisa ku aadan difaacida qadiyada maqaamka Caasimadda oo kamid aheyd ajendayaashi la isku mari-waayey kulankii wada-tashiga ahaa Ee dhawaan Garoowe ku dhexmaray Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka.