Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehlinayay Madax xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxay kormeereen Xarumha Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb oo qaarkood uu dhismooyin ka socdo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray guriga martida iyo guriga gudoomiyahaasha baarlamaanka ee Magaalada dhuusamareeb,waxana uu sheegay in uu yahay kormeerkan mid uu kula soconayo halka ay marayyaan dhismayaasha Xarumaha Maamulka.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Ganacsatada ka qeyb qaadaneysa dhismaha Xarumaha Maamulka ku amaanay doorka weyn oo ay ka qaadanayaan dhisida Mmulka Galmuudg.