Madaxweyne Xaaf” Al-shabaab waxeey dilayaan qof walbo oo aan iyaga ka mid aheeyn”

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo maanta ay weerar dhaliyay qasaaro kala duwan ka geeysteen Magaalada Gaalkacyo rag ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa waxaa arinkaasi ka hadlay Axmed Ducaalle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ,waxaana uu falkaasi ku tilmaamay mid waxushnimo ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane  Axmed Ducaalle Xaaf isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawlad goboleedka iyo ka shacbiga Galmudug, waxa uu tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii  iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii Saaka lagu laayay weerarkii Al-shabaab ay la beegsatay Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo sababay Dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo tiro dhaawac ah.

Madaxweynuhu waxa uu weerarkaasi ku tilmaamay in yahay mid laga xumaado waxa uu-na aad u boggaadiyay ciidamada ammaanka Galmudug oo si dhaqsi leh u soo afjaray, islamarkaana noolasha ku qabtay mid kamid ah ragii weerarkaasi ka danbeysay.

Uga danbeyntii waxa uu madaxweynuhu faray laamaha Amniga in ay xoojiyaan dadaalkoodu ku aadan xaqiijinta Nabadgalyada.