Madaxweyne Waare”Itoobiya reer Hirshabeelle dhib xoogan ayeey ku heeysaa Dowladuna waa ka Aamusan tahay”

Reading Time: < 1 minute

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag udhaliilay Dowladda Ethopia oo uu sheegay in gumaysi dadban ay ku hayso Shacabka Hirshabeele.

Waxa uu si cad usheegay in Dowladda Ethopia ay ka warqabto shacabka Hirshabeele in ay yihiin Beeraleey balse ay nasiib darro tahay in ay ka xirasto Biyaha Wabiga oo Hirshabeele usoo mara dalkaasi.

Hadalkaan ayuu madaxwayne Waare ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay abuurka bariis cusub oo ay shirkad la magac baxday Danwadaag ku soo bandhigtey magaalada Jowhar.