Madaxweyne Waare oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Reading Time: < 1 minute

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Wasiirka amniga iyo kan Warfaafinta Hirshabeelle, isagoo magacaabay kuwo Cusub.

Maxamed Cabdiraxmaan Kheye ayaa loo magacaabay inuu noqodo Wasiirka Hirshabeelle, kaasi oo bedelaya Wasiirkii hore ee amniga C/qaadir Aadan Jeell.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle u magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxame oo isna bedelaya Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Cabdiweli Muxumad Cabdi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!