MW Waare ayaa lagu amray in uu si dhaqso ah u horyimaado Baarlamaanka HSH (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaasi ayaa waxaa ay wacad ku mareen in ay xilka ka qaadi doonaan Madaxweyne Maxamed Cabdi waare hadii uusan ku horimaanin baarlamanka hortiisa mudo  7-cisho gudahood ah.

Xildhibaanada oo u muuqday kuwa aad u careeysan ayaa go’aankaan si cad u sheegay waxaana ay dalbadeen in xitaa cali guudlaawe uu baarlamaanka hor yimaado.

Waxaa ay sheegeen in musuq-maasuq xoogan uu jiro islamarkaana ay noqoneeyso tii uu ku bixi lahaa Madaxweyne Waare,sida ay carabka ku adkeeyeen.

Go’aankaan midka xigi doono lama ogo hase’yeeshee dad badan ayaa aaminsan in uusan cago badan ku taagneeyn Madaxweeyne Waare.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!