Madaxweyne Waare oo xil ka qaadis deg-deg ah sameeyay (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilkii looga qaaday Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar Ibraahim Maxamed Cali,iyadoona mid cusub lagu magacaabay.

Maareeyaha cusub ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Mukhtaar Abuukar Macalin ( Mukhtaar Raabit ),kaasi oo bedelada Maareeyihii hore ee Garoonkaasi Ibraahim Maxamed Cali.

Sdioo kale Wareegtada xilka qaadista Maareeyihii hore Garoonka Jowhar ayaa waxaa la Ogeysiiyay Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo dhammaan laamaha amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Hoos ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista ah ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!