Madaxweyne Waare oo sheegay in la soo qabtay dadkii dilay taliyihii Booliska Qaybta

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in la soo qabtay dadkii ka danbeeyay dilkii Taliyaha Ciidanka Booliska.

Madaxweyne Waara ayaa ku sheegay shirkiisa Jaraa’id  in cadaalad la hor keeni dooni  cid kastaa oo ka dambeysay dilka Taliyihii Qeybta Boliiska Gobolka Gobolka Hiiraan Cor Maxamed Mocow.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Mocow, ayaa qoyska taliyaha iyo Guud ahaan Reer Beledweyne ugu baaqay in ay isdejiyaan oo muujiyaan xasilooni waxaana uu u balanqaaday in cadaalad ay heli doonaan.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in uu  magacowday Guddi Wasiira ah  oobaaritaan dhab ah ay ka sameyn doonaan kiiskani cidii fulisay, cidii amartay, iyo ujeedada laga lahaa ayna ka soo bixi doonaan xaqiiqda dhabta, waxaana madaxweynaha uu xusay in uusan ka hor dhaceynin baaritaanka.

Madaxwene Waara ayaa afka ku dhiftay in ay jiraan arimo siyaasaaded ee ka  danbeeysay qalaalasaha keenay dhimashada laakiin uusan hadda ka hadli doonin, isaga oo sheegay in  uu la sugaayo waqtigeeda. MW Waare ayaa sheegay dadkii ka lahaa arimaha siyaasada dhibka ka dhacay Baladweyne in ay ku fashilmeen.

 

Advertisements