Madaxweyne Waare oo Lunsaday 1 Milyan oo Dollar&Kulamo Loga Arinsanayo Oo Muqdisho Ka Socda

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in kulamo loga arinsanaayo Madaxweyne Waare uu ka socdo Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi weli Sheekh Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladda maamulkaasi ay ka wadaan M/ Muqdisho.

Waxaana uu ku eedeeyay madaxweyne Waare in uu lunsaday Lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo loogu tala galay in wax looga qabto ammaanka deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Cali ayaa intaasi ku daray in ilaalada madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ay bilaabeen in ay handadaan xubnaha Baarlamaanka, kuwaas oo fakir ahaan ka soo horjeeda madaxweynaha.